Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo walaalkiis lagu dilay dalka Malaysia – VIDEO

Published: February 15, 2017

Kim Jong Nam ayaa ahaa nin ay isku aabe ahaayeen Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee Kim Jong Un, waxaana shalay la sumeeyey xili uu ku sugnaa madaarka magaalada Kuala Lumpur ee caasimada dalka Malaysia.

Waxaa baaritaan ku socdaa cida sumeysay ninkan iyadoo la tuhunsan yahay in labo haween ah oo ku sugnaa madaarka ay sumeeyeen, ninkan ayaa muddooyinkii danbe Qurbaha ku noolaa gaar ahaan dalka China.

Kim Jong Nam ayaa lagu waday inuu noqdo hogaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi markii uu dhintay aabihiis Kim Jong Il oo sida la sheegay aad u jeclaa wiilkiisan, balse waxaa xilka la wareegay walaalkiis ka yar ee Kim Jong Un oo isagu ay dhashay hooyo kale, wuxuuna Kim Jong Nam in muddo ah mucaarid ku ahaa hogaanka wadankaasi Kuuriyada Waqooyi.

Tuhunka ugu weyn ayaa ah in dilkan uu ka danbeeyo walaalkiis Kim Jong Un oo weli ka cabsi qaba in mustaqbalka uu ninkan khal khal ku geliyo hogaaminta dalkaasi, iyadoo la sheegayo in qaar kamid ah militariga Kuuriyada Waqooyi ay taageero u hayeen ninkan la khaarajiyey.

Kim Jong Nam ayaa wax kusoo bartay dalalka Japan iyo Zwitzerland, waxaana la xasuustaa in sanadkii 2001 dalka Japan mar lagu xiray isagoo ay la socdaan labo haween ah iyo cunug uu dhalay xiligaasi oo uu sheegay inuu doonayey inuu si qarsoodi ah dalxiis ugu tago xarunta Disneyland ee ku taal dalka Japan, xarigiisa ayey waji gabax ku noqotay dowlada Kuuriyada Waqooyi.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *