Muqdisho:Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan oo Mar Kale Kulmay, 24 Saac Ka Hor Xilwareejinta – VIDEO

Published: February 15, 2017

24 Saac ka hor munaasabadda xilwareejinta madaxtooyada Federaalka, waxaa kullan saddex geesood ku yeeshay xarinta madaxtooyadda Villa somaliaMadaxweynaha Soomaaliya ee la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Guddoomiyaha barlamaanka Maxamed Cismaan jawaari.

Kulankan oo ahaa kii labaad ay yeesheen madaxweynaha cusub iyo madaxweynaha xilka ka degaya ayaa ahaa qada sharaf lagaga hadlay munaasabada xilwareejinta iyadoo madaxweynihii hore Xasan Sheekh uuwarbixin ka siiyey madaxweynaha cusubhowlaha xafiiska madaxweynaha , wuxuuna sheegay in dowladda cusub ay heysato fursad dalka ay ku nabaddeyn karto, kuna gaarsiin karto hiigsiga 2021-ka si dimoqoraadiyad leh, kulankaasina waxa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha.

kulanka inta uu socdey waxaa la isku soo qaadey diyaarintaiyo dhammeystirka munaasabadda uu xilka kula wareegayo madaxweyne Farmaajo taasi oo la qorsheeyay inay dhacdo maalinta bari ah ee16-ka Feberaayo 2017-ka.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *