Dimuquraadiyada Somaliland iyo Xoriyad La`aanta Halkee iska qabsan la`a yihiin?

Published: February 16, 2017

Waxaa Madaarka magaalada Hargeysa lagu xiray mid kamid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed Cabdimaalik Muse Coldoon oo kamid ah suxifyiinta kasoo jeeda Somaliland ee caanka ka ah baraha bulshada ku sheekaysato sida Facebook-ga.

Somaliland oo tan iyo intii ay ku dhawaaqday inay gooni uga go`aday dalka Soomaaliya dadaal dheer ugu jirtay inay hesho ictiraaf caalami, ayaa muddo dheer ku doodeysay in tahay dowlad dimuquraadi ah hase yeeshee ficilada xukuumadaasi ayaa noqday kuwo ka fog dimuquraadiyada iyo xoriyada Fikirka.

Wariye Coldoon ayaa ah nin aan la gaban fikirkiisa shaqsiyadeed, waxaana lagu yaqaan Soomaali jaceylka iyo waliba barnaamijyo taxane ah oo uu sameyn jiray oo lagu caawiyey dad Soomaali ah oo dhibaateysan.

Suxufigan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay socdaal ku joogay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa xiligii doorashada dhaceysay, waxaana la xiray shalay markii uu dib ugu noqday magaalada Hargeysa.

Maaha markii ugu horeysay oo Shaqsi caan ah oo kasoo jeeda Somaliland la xiro iyadoo sabab looga dhigayo inuu booqasho ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xukuumada Somaliland ayaa lagu tilmaamaa inay kooxaha Xagjirka ah kala mid tahay dhinaca isku dayga inay xukunto fikirka dadka ku sugan dhulka ay ka taliso, arrintan oo ka hor imaaneysa dhinaca kale sheegashada Somaliland ee ah inay tahay “Dimuquraadi”.

Somaliland ayaa horey u xirtay siyaasiyiin iyo qaar kamid ah fanaaniinta kasoo jeeda dhulkaasi ee booqda Magaalada Muqdisho, ficilkaasi oo dhaqan ka noqday Madaarka Hargeysa ayaa markale muujinaya qaabka ay u egtahay Dimuquraadiyada la sheego inay ka jirto Somaliland. Waxaana hubaal ah inay mar walba dhaawacdo Sumacada Somaliland dooneyso inay ka gado Caalamka.

Waxaase taasi kasii yaab badan in muwaadiniinta Somaliland hadii ay booqdaan Addis Ababa, Nairobi ama Tel Aviv aysan wax dhibaato ah kala kulmeyn Laanta Socdaalka ee Somaliland, balse booqashada Muqdisho ayaa ah mid aad ku muteysan kartid xabsi maalmo ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *