Faroole: Raggii Madasha Qaranka la baxay Dhagax baa la Gadoomay – VIDEO

Published: February 16, 2017

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ahna xildhibaan Aqalka Sare ka tirsan oo kamid ahaa Murashaxiintii u tartameysay xilka Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa shalay mar uu soo gaaray magaalada Garowe ka hadlay doorashadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

“….Ragii Madasha dhagax baa la gadoomay….” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxman Faroole oo sheegay in Hogaamiyayaashii Madasha Qaran ay xiligii doorashada la kala safteen murashaxiinta, wuxuuna sheegay inay lama filaan ay ku noqotay hogaanka dowlada guushii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Faroole oo baaq u diraya hogaamiyayaasha Dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay inay amaan siiyaan Madaxweynaha cusub oo uu ka amaan galo, waa siduu hadalka u dhigayee.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Gen.Cade Musse Madaxweynihii hore ee Puntland oo lagu aasay magalaada Bosaaso, isagoona ku baaqay in ay mudan tahay in Madaarka Bosaaso loogu magac daro Madaxweyne Cade Musse oo ahaa hogaamiyihii bilaabay mashruuca dhismaha airportka Bosaaso.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *