Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo Boqorka Sucuudiga kala hadley xaaladda abaarta

Published: February 16, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa khadka telefoonka kula hadlay Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, Boqorka Sucuudi Carabiya, waxaana boqorka uu ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii dhacday 8dii bishan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, waxa uuna ka codsaday in la xoojiyo xiriirka labada dowladood ee walaalaha ah.

Madaxweynaha ayaa boqorka uga warbixiyay xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo in Boqortooyada Sucuudiga ay ka qeyb qaadato sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee haatan ku nool duruufo aad u qallafsan.

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa soo dhaweeyay codsiga Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in ay xukuumaddiisa ka qeyb qaadan doonto hawlaha loogu gurmayo dadka iyo xoolaha ku baaba`ayo abaaraha xun ee ka jira guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Dhammaad

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *