Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo la wareegay Villa Somalia -SAWIRO / VIDEO

Published: February 16, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xarunta Madaxtooyada ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda ayaa si rasmi ah u guddoonsiiyey Madaxweynaha Gal ay ku jiraan dukumintiyo la xiriira xil wareejinta sidoo kale waxa uu ku wareejiyey hadiyado hoggaamiyaasha caalamku horey u guddonsiyeen Madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyey dhamaan intii la soo shaqeysey mudadii afarta sano ahayd ee uu ku sugnaa Villa Somalia. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u mahadceliyey beesha caalamka gaar ahaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo wiilashoodi iyo gabdhahoodi waxyeelo ka soo gaartey difaaca Soomaaliya sida uu sheegay Madaxweynihii hore.

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa si kal iyo laab ah ugu mahad celiyey Madaxweynihii hore iyo sida ay ula shaqeeyeen kooxdiisi xil la wareegidda uu u magacaabey, wuxuu hoosta ka xariiqey in ay tahay maalin tariikhi ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa fariin u direy shacabka wax badan ka sugaaya isaga oo ka digaya in hawlaha culus ee horyaala aan deg-deg wax looga qaban karin.

– Dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag, 26 sano ayaa la duminaayey waxaa loo baahan yahay 26 sano oo la dhiso. Dowladan idinkaa iska leh shacbigoow, waxaan soo dhisi dowlad ka tarjumi karta rabitaanka shacabka. Shacabka waxaa laga doonayaa in aad nala shaqeysaan haddii ay ahaan lahayd canshuur ururin iyo haddii ay ahaan lahayd ilaalnta amniga ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Ugu danbeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga sagootiyey Madaxtooyada iyada oo loo tumey astaanta qaranka kadib markii uu calanka qaranka Soomaaliyeed ku wareejiyey Madaxweynaha cusub maxamed Cabdullaahi Maxamed.

22 Febaraayo aya lagu wadaa in ay dhacdo xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed, waxaana lagu wadaa in ay ka soo qaybgalaan madax ka socota dalalka dersiska iyo marti sharaf kale oo caalamka ka socota.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *