4 qof oo ku geeriyootey hoobiyaal ku soo dhacay degamada Wardhiigley Muqdisho

Published: February 16, 2017

Hoobiyaal gaaraya 5 gantaal ayaa ku soo dhacay degmada Wardhiigley meel aan si weyn uga fogeyn Villa Somalai, waxana ka dhashey khasaaro xooggan oo soo gaartey guryihii ay ku dhaceen ee ay deganaayeen dad rayid ah

Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootey weerarka hoobiyaasha kuwaas oo laba kamid ah aya ahaayeen caruur, sida ay sheegeen dad goob joog ahaa xiliga hoobiyaashu so dhacayeen, waxaana halkaas gaarey gawaarida gar-gaarka deg-dega ah.

Waxaa la aaminsan yahay in hoobiyaasha loo wadey xarunta Madaxtooyada oo ku dhaweyd halkaas laakiin ay seegeen bartilmaameedkoodi.

Wararku waxay sheegayaan xiliga hoobiyaashu soo dhacayeen waxaa Villa Somalia kuwada sugnaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ahayd halasaac kadib markii uu xilka Villa Somalia la wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi.

Muqdisho ayaa tan iyo doorashadi madaxweynaha cusub ka nasatey hobiyaasha iyo qaraxyada baabuurta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *