Xeer Ilaaliyaha Puntland: 120 kufsi ayaa ka dhacay Puntland 2016ka-Video

Published: February 17, 2017
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Puntland Maxamuud Xasan Aw-csimaan ayaa sheegay in sanadkii hore ay puntland ka dhaceen in ka badan 120 kufsi, waxaa kaloo uu ka hadlay noocyada kiisaska ka dahacay Puntland sanadkii hore.

Xeer ilaaliyaha oo shir jaraa`id ku qabtay Garoowe Wuxuu sheegay in ka badan afar kun oo kiis la keenay qayb qibaad ee maxkamadaha Puntland, kuwasoo isugu jira dilal, Kursi, Ka ganacsiga maandooriyaha , Bucad-badeednimo, dhac iyo falal kale

“sanadkii hore 123 kufsi ayaa ka dhacay Puntlan, gobolka bari ayaa kiisaska ugu badan ay ka dhaceen oo 58 qof ayaa lagu kufsaday, halka gobolka karkaar lagu kufsaday 26 qof,mudug waxaa ka dhacay 13 kiis, Sanaag 4 kiis oo kufsi, goboladda sanaag iyo Hayland waxaa ka dhacay 13 kiis oo kufsi, degmada buuhoodle ee gobolka cayn waxaa ka dhacay labo kiis” ayu yiri xeer ilaaliyaha.

Warbixinta uu xeer ilaaliyuhu uu soo saaray waxay ku soo aaday, iyadoo bishii hore Maxkamada culuma`udiin ay xukun ku riday 6 dhalinyaro ah oo kufsi wadareed ka gaystay degmadda goldogob ee gobolka mudug ee Puntland.

Gabagabadii, Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in afar Xabsi ku yaal Afar magaalo oo Puntland ay ku xiran yihiin in kabadan 1000 maxbuus, iyadoo maxaabiista ugu badanina ay ku xiran yihiin xabsiga Bosaso.

Horseedmedia 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *