Agaasimaha cusub ee hay’adda macdanta iyo batroolka Puntland oo xilka la wareegay-Sawiro

Published: February 19, 2017

Agaasimaha cusub ee hay’adda macdanta iyo batroolka Puntland Siciid Faarax Yare ayaa xilka si rasmi ah u kala wareegay agaasimihii hore ee hay’addaasi Ciise Maxamuud Faarax Dholawaa

Xafladda xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta hay’adda macdanta iyo batroolka Puntland ee magaalada Bosaso, waxaana ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Agasimaha cusub ee xilka la wareegay waxaa xilkaasi dhawaan u soo magacaabay madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas

Ciise Maxamuud Faarax Dhalowaa agaasimihii hore ee hay`adda macdanta iyo batroolka Puntland oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in uu wareejiyay dokumantigii hay’dda isla markaana xusay in wax badan ay u qab someen intii uu xilka hayey.

Agaasimaha cusub ee hay’adda macdanta iyo batoolka Puntland Siciid Faarax Yare oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa u mahad celiyey agaasimihii hore, isla markaana sheegay in uu sii wadi doono shaqadii hay’adda

Wasiirka dekadaha gadiidka badda Puntland Siciid Maxamad Raage iyo gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo ayaa dhankooda sheegay in ay la shqeyn doonaan maamulka cusub ee la wareegay xilkaasi.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *