AMISOM iyo Farmaajo maxay kawada hadleen?

Published: February 19, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan la qaatey madaxda u sareeya hawlgalka AMISOM iyo safiirada dalaka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaao ayaa ballan ku qaadey in uu si dhaw ula shaqeynaayo AMISOM si loola dagaalamo Al-Shabaab kuwaas oo ah khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga dalka sida lagu yiri war murtiyeed ka soo baxay kulanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay jirto xaalad deg-deg ah oo u baahan la dagaalanka al-Shabaab, dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan weyn ka geysato.

– Aragtideydu waa al-Shabaab oo la jebiyey labada sano ee soo socota. Waxaan ku rajo weynahay in aan si dhaw u wada shaqeyno si aan uga wada adkaano al-Shabaab. Taasi waa himiladeyda aan doonaayo in aan arko labada sano ee soo socda, si dalka loogu soo celiyo nabad iyo xasilooni ayuu yiri Farmaajo.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, Safiirka Kenya ee Soomaaliya Maj. Gen. Lucas Tumbo, Safiirka dalka Jabuuti Aden Hasan Aden, Ku xigeenka Safiirka Itoobiya Jamaludin Mustafa Omar iyo xoghayaha kowaad ee Safaaradda Ugandan ee Soomaaliya, Sheikh Muhindo Alamin, iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan AMISOM.

Waa kulankii u horeeyey ee dhex-mara Madaxweyne Farmaajo iyo dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee ku socda amagaca AMISOM, kadib doorashadii Madaxweynaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *