Fadeexad: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha PL oo qaybisey daawo dhacday

Published: February 19, 2017

Dal kasta oo caalamkan kamid ah waxuu leeyahay waxyaabo ay kaga duwan yihiin kuwa kale, ha ahaato mid dhaqan, dhaqaale, cimilo, astaamaha dhulka iyo kheyraadka rabbi ku manaystey. Marka laga hadlaayo dhaqaalaha dal waxa uu ku tiirsan yahay waa waxbarashada, horumarka wershadaha, wax-soosaarka beeraha, xoolaha nool iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah ee rabbi gaarka uga yeelay, dowlad kasta waxay uu xoogga saartaa oo hormarisaa waxa lafdhabarta u ah dhaqaalihiisa.

Dhaqaalaha Puntland oo ah maamul kamid ah Soomaaliya ayaa laf-dhabartiisu tahay xoolaha nool kuwaas oo qayb weyn ka qaata koboca dhaqaalaha ee dalka.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Puntland ayaa la dhihi karaa waxay ka shaqeysey dabar goynta iyo waxyeelada xoolaha nool, kadib markii ay qaadey ol-ole lagu talaalayo kumaankun neef oo ku dhaqan afar gobol oo Puntland ka tirsan dhamaadkii bishi Janaayo 2017. Nasiib darro daawooyinka ama talaalka la qaybiyey ayaa ahaa kuwo dhacay sanad kahor.

DAAWADA DHACDEY EE XOOLAHA LAGU TALAALEY

Mudadii u dhaxaysey 21-31.01.2017, Waxaasaradda Xanaanada Puntland waxay qaadey ol-ole ballaaran oo lagu talaalayo xoolo aad u badan. Mashruucan oo loogu magacdarey RAHS (Reinforcing Animal Health Services) waxaa dhaqaalihiisa bixiyey AU-IBAR iyo Midowga Yurub waxaana daaha laga rogay sanadkii 2014, kaas oo qorshihiisu yahay in daawooyinka xoolaha la gaarsiiyo qoysas ka badan 250 000 kun oo xoolo dhaqato ah.

Ol-olaha waxaa ka qayb-qaatey 15 kooxood oo loo kala direy gobolada, iyada oo kuwa ugu badan loo direy dhulka loo hayaamey ee roobabku ka da’een bilowgii bishii Diseembar 2016, kuwaas oo hoostaga degmooyinka Iskushuban, Bandar-bayla iyo Xaafuun. Nasiib wanaag dhakhaatiirta xoolaha ee mashruucan la socotey ayaa ogaadey in daawada ay qaybisey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ay tahay mid dhacdey sanadkii 2015, kadibna waxaa la soo celiyey intii ugu badneyd ee daawadan dhacdey ee lagu talaaley xoolaha.

Sidee ku dhacdey?

Kadib markii ay soo baxdey fadeexaddan waxaa daawada dhacdey la horgeeyey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas taariikhdu markey ahayd 02 Febaraayo 2017 sida Horseed Media ka ogaatey xubno ku dhaw Madaxtooyada, maalintaas ayaa waxaa jirey shirkii Golaha Wasiirada. Madaxtooyada Puntland ayaa wax ka weydiisey dhacadan Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi-jamaal Cismaan waxaana uu sheegay in farmashiga ay ka soo gateen uu ku khadleen oo ahayd mid hoosta loo geliyey!.

Daawadan dhacdey ama talaalka oo nooceedu yahay TYLOVET ayaa ah mid aan laga helin gebi ahaanba farmashiyadda Soomaaliya ma ahan mid loo keeno ganacsi, waxaana loogu deeqay Wasaaradda. Mid kamid ah ganacsatada faramashileyda Puntland ayaa Horseed Media u sheegay haddiiba farmashi laga helo waxaa ka gatey waa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waxaana adag tirada sidaas u badan in farmashi laga helo.

Yaa qaadaya Masuuliyadda?

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa iska leh mashiin loogu talo galay in lagu gubo daawooyinka wakhtigoodu dhacay, Bakhaarka keydka daawooyinka waxa uu lee yahay shaqaale u gaar ah. Waxaa la is weydiinayaa sababta keentey in khatarta intaas le’eg la geliyo xoolaheena, bakhaarkana looga soo saarey daawo dhacdey 2015. Markii arrintan dhacaysey ayaa la sheegayaa in Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdijamaal Cismaan uu dalka ka maqnaa, waxaana masuuliyadda fadeexadan qaadaya Agaasimaha Guud Keyse Axmed Shire oo dhawaan laga soo bedalay Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha waaxda caafimaadka ee Cabdiraxmaan Maxamed Xunbul, Wasiirka oo la doonaayey in uu wax ka qabto fadeexaddan ayaa difaacay shakhsiyaadkii ku dhiiradey in ay xoolaheena u qaybiyaan daawo dhacdey.

Madaxweynaha Puntland oo horey u ballan qaadey qof walba in uu joogi doono shaqadii ku habooneyd “the right person in right position” taas oo ahayd arrin aanu waxba ka dhaqan gelin, tusaale ahaan Agaasimaha waaxda caafimaadku waa kal-kaaliye waxaana hostaga dhakhaatiir sita shahaadooyin sare, Agaasimaha guud ma ahan qof aqoon iyo khbrad midna u leh arrimaha xoolaha, Wasiirka Wasaaradda ayaa isagu ah Askeri aan weligii horey uga shaqeyn Arrimaha Xanaanada Xoolaha, halka wasiir ku-xigeenku uu yahay shakhsi aan xirfad u lahayn shaqada uu hayo.

Fadeexad Dhaqaaale

Masuul ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland ayaa Horseed u sheegay in dhaqaalaha ku baxay ol-oalaha lagu talaaley xoolaha iyada oo la isticmaalayo daawo dhacdey lacagteeda ay soo dalacatey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waxa taas dheer iyada oo dhaqaale kale kaga heshay mashruuca RAHS taas oo iyaduna ah musuq maasuq kale.

Talo-bixin

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa looga fadhiyaa sida ugu dhakhsiyaha badan in uu arrintan wax uga qabto oo ciqaabo qofkasta oo faddeexadan ka qayb-qaatey, waxay muujineysaa masuuliyad darro halkii ugu hooseysey, waxaana xoolo badan rabbi ku badbaadiyey dhakhaatiirtii iyo hawl-wadeenadii ol-olaha, waana mid shacabku kula xisaabtami doono guud ahaan masuuliyiinta Puntand.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *