Ugu yaraan 35 qof oo ku dhintey qarax ka dhacay Muqdisho

Published: February 19, 2017

Qarax xoogan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay suuqku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdsho ,

Suuqa lagu magacaabo Kaawo godey ayuu qaraxa ka dhacay xili dad weynaha ay ahaayeen mashquul duhurnimadii maanta.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa tiro intaasi ka badanawaa ay ku dhaawacmeen sida aywarbaahinta u sheegeen goob joogayaal ku sugnaa suuqa.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo suuq la dhigay

Waa qaraxii u horeeyey ee ka dhaca magaalada Muqdishotan iyo markii xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, marka laga yimaao hoobiyaal dad rayid ah ku diley degmada Wardhigley.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *