Al-Shabaab oo weerar miino ku diley askar ka tirsan Jubaland

Published: February 20, 2017

Kolonyo ciidamada Jubaland oo ay weheliyaan kuwa Kenya ayaa koox ka tirsan al-Shabaab jidka u galeen waxaana ay ku qarxiyeen Miinada dhulka lagu aaso.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Cabdalle-Biroole iyo Kismaayo dhanka galbeed ee Kismaayo ku beegan

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in labo askeri ka oo tirsan Jubaland ay weerarka ku geeriyoodeen halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, waxaana burburey gaarigii miinadu la kacdey.

Maamulka Jubaland ayaan weli ka hadlin weerarka Miinada lo adeegsadey ee askarta lagu diley.

Todobaadyadii u danbeeyey maamulka jubaland ayaa wadey hawlgalo ka dhan ah al-Shabaab oo ka socdey gobolka Jubada Hoose.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *