Machadka Cilmibaarsita iyo Daraasaadka Siyaasadda ee Hayaan oo tababar u qabtey Dowladda Hoose ee Bosaso

Published: February 20, 2017

Mac-hadka Cilmibaarista iyo Daraasaadka Siyaasadda ee Hayaan ayaa magaalada Boosaaso ku qabtey tababar ku saabsan isla-xisaabtanka, hufnanta iyo daah-furnaanta.

Tababarka waxaa ka qayb-qaatey xubnaha golaha deegaanka ee Bosaso iyo shaqaalaha dowladda hoose ee Boosaaso. Tababarka oo bilowdey maalintii Axadda ee shalay ayaa socon doona labo maalmood oo ku eg maanta oo Isniin ah.

Muddada tababarku socdo waxaa lagu baran doona maamul-wanaaga muhimadda ay leedahay isla xisaabtanku iyo sida daah-furnaanta ah ee shaqaaluhu ku shaqeyn karaan, sida loo isticmaalo ururinta canshuraha laga qaado dadweynaha, iyo sida Dowladda Hoose uga qayb-gelinkarto dadweynaha hawlaha socda, sida uu Horseed Media u sheegay masuul ka tirsan Machadka Hayaan.

Machadka Hayaan ayaa tababar caynkan oo kale ah horey u siiyey golaha deegaanka ee degmada Garoowe.

Furitaankii tababarka waxaa ka soo qaybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Qoobdeero, ku-xigeenka duqa Bosaso, xoghayaha dowladda hoose iyo guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *