Madaxweyne Farmaajo Oo Booqday Dhaawacyada Qarixii Muqdisho – VIDEO

Published: February 20, 2017

Madaxweynaha Dowladda FederaalkaSoomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay cusbitaalka Madiina ku booqdey dadkii ku dhaawacmay qarixii shalayka dhacay Xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasi ay ku dhinteen dad ka badan 30 qof, tiro 40 ka badana ay ku dhaawacmeen

Madaxweynaha oo ay weheliyeen saraakiisha laamaha amniga oo xogwaraystay qaar ka mid ah dhaawacyada ayaa ballanqaaday in si deg deg ah dhaawacyada daran loogu sameyn doono daryeel caafimaad oo dibedda ah.

Madaxweynuhu wuxuu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii shalay, wuxuuna ilaahay uga beryay kuwa dhaawacyada qaba in uu caafimaad siiyo, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay u midowbaan sidii ay uga hortagi lahaayeen waxyaabaha khatarta ku aha dalka iyo dadka.

Wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya ballanqaadayin dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto Boqol Kun oo dollar (100,000) qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa lagu sameynayo ama sida, waxaa kaloo uu sheegay in ciidammada Qalabka sida aydhowaan ay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo amnidarada Muqdisholooga jawaabayo.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in ka badan 30 qof ay u dhinteen 40 ruux badanna ay dhaawacyo soo gaareen, waxa uu sheegay in gargaar loo fidiyey, kuwaas oo ay ku jireen carruur yar-yar.

dhinaca kaleSarkaal u hadlay Kooxda Al-shabaab oo lagu magacaabo Xasan Yacquuboo ka hadlay doorashadii madaxweynaha Cusub, ayaa sheegay in afarta sano ee soo socoto ay la dagaalami doonaan madaxweynaha waxayna uga digeen dadweynaha inay ku kalsoonaadaan.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *