Turkey: Maxkamadeynta Askartii dili lahayd Erdogan – VIDEO

Published: February 20, 2017

Waxaa maanta dalka Turkiga ka bilaabaneysa maxkamadeynta koox ka tirsan Ciidamada dalkaasi oo la sheegay inay qorsheenayeen dilka Madaxweyne Tayyib Erdogan xiligii uu dhacayey Inqilaabkii Fashilay.

Kooxdan oo gaareysa 47 askari ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Hotelkii uu degenaa Madaxweyne Erdogan xiligii uu dhacayey Afgembigii militari ee fashilay, wakhtigaasi oo uu Madaxweynaha caasimada uga maqnaa fasax gaaban oo ku joogay hotel ku yaal magaalada Marmaris.

Askartan ayaa lasoo qab qabtay todobaad kadib markii uu fashilay inqilaabka iyagoo muddo maalmo ah ku dhuumaaleysanayey dhulka keymaha ah ee ku yaal deegaanka Koonfur-Galbeed ee dalkaasi Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa askarta inqilaabka waday ku sheegay inay xiriir la lahaayeen hogaamiyaha Gulen ee isago ku nool dalka Maraykanka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *