USA: Lataliye sare oo iska casiley maamulka Donad Trump

Published: February 20, 2017

La taliye sare oo ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka (NSC) ayaa madaxweynaha Maryakanka Donald Trump shaqada ka cayriyey kadib markii uu ka horyimid aragtidiisas iyaasadeed ee ku aadan Laatiin Ameerika. Waxaa sidaas CNN u xaqiijiyey afhayeen u hadashey aqalka cad.

Craig Deare ayaa dib ugu laabtey shaqadiisi hore ee National Defense University.

Craig Deare ayaa dhaliilay khudbad uu todobaadkii hore jeediyey Donald Trump oo ku aadaneyd siyaasadda ay kula dhaqmayaan dalalka ku yaala Koonfurta Ameerika iyo Meksiko, waxaana uu sheegay in maamulka Aqalka cad uu yahay mid aan shaqeyneyn, isla amrkaana aan wax talo ah weydiin Golaha Amniga Qaranka.

Waa masuulkii abaad ee xilka iska casila, waxaana ka horeeyey lataliyihii Amniga Qaranka ee Trump M. Flynn ee Trump ka dalbadey in uu xilka iska casilo kadib markii lagu helay in aanu ahayn daacad.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii shaqada laga cayriyey Shermichael Singleton, waxaana uu ka shaqeynaayey Wasaaradda guriyeynta iyo hormarinta magaalooyinka, sababta loo cayriyey ayaa ah maqaal uu qorey ka hor doorashada Maraykanka oo uu wax uga sheegay Donald Trump.

Donald Trump ayaa lagu eedeeyaa in aanu dulqaad u lahayn qofkasta oo ka aragti duwan, haba ahaado qof isaga la shaqeynaayey,

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *