Xiisada sii socota ee Dilkii Walaalka Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi – VIDEO

Published: February 20, 2017

Dowlada Malaysia ayaa shaacisay muuqaalka laga soo duubay Airportka xiligii la khaarajiyey Kim Jong Nam.

Dowlada Malaysia ayaa u yeertay safiirka Dowlada Kuuriyada Waqooyi dalkaasi uu fadhiya, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada ka dhalatay dilka ninka ay wada dhasheen hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Dowlada Malaysia ayaa hada gacanta ku heysa 4 qof oo loo qabtay dilkan oo ay ku jirto haweenay la sheegay inay wajiga ama madaxa uga shubtay Kim Jong Nam suntii lagu dilay xili uu ku sugnaa Madaarka Caasimada Malaysia.

Waxaa sidoo kale la baadi goobayaa 4 qof oo kale oo la sheegay inay ku lug lahaayeen falkan, qaar kamid ah haweenka loo qabtay falkan ayaa sheegay in been loo sheegay oo laga dhaadhiciyey inay wajiga Perfum uga shubaan ninkaasi iyagoo moodayey inay ka qeyb qaadanayaan barnaamij Majaajilo ah oo Telefishinka ka baxayey.

Xukuumada Kuuriyada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeesatay baaritaanka lagu wado Meydka ninkan iyagoo sheegay in ninkaasi Meydkiisa ay tahay in lagu wareejiyo iyaga si dalkiisa loogu aaso, waxayna sheegeen in Kim Jong Nam uu heystay baasaboor diblumaasi ah ayna khalad tahay in Malaysia ay baaritaan ku sameyso iyadoo aan wax ka weydiin Dowlada Kuuriyada Waqooyi.

Dhinaca kale Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ku tilmaamay dilka Kim Jong Nam fal argagaxiso.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *