Agaasimaha Telefishanka STAR Maxamed Baashe oo Hargeysa lagu xidhay

Published: February 21, 2017

Ciidamada Amaanka ee maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigey Maxamed Baashe Xasan oo ahaa agaasimaha guud ee Tefishanka Star TV.

Booliska ayaa ka qabtey Maxamed Baashe xili uu ka soo baxay mid kamid ah Hoteelada Hargeysa oo la sheegay in u uga qayb-galay shir.

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Star TV loo xidhay fikir u qabo oo uu uga soo horjeedo Saldhigga Ciidan ee Imaaraadka laga siiyey Garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Maxamed Baashe Xasan ayaa ah suxufi ruug cadaa ah, waxaana uu aqoonta saxaafadda ku soo bartey dalkii la dhihi jirey Czechoslovakia dhamaaskii sanadihii Sideetamaadkii. Waa qoraa waxaana kamid ah buugta uu qoray,

  1. Hal ka haleel ee taariikhda Hadraawi,
  2. Guri waa Hween ,
  3. Hal aan tebeyey ee taariikha Xaaji Aaden Af-qallooc.

Waa weriyihii labaad ee bishan gudaheeda Hargeysa lagu xidho, waxaana weli xabsiga ku jira Weriye Coldoon oo sabata loo xidhay ay tahaysocdal uu ku tegey Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *