Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo kulan la qaatey wefdigii Jubaland

Published: February 21, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa habeenimadii xalay kulan la qaatey wefdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubland Axmed Maxamed Islaan.

Axmed Madoobe ayaa maalintii shaay ee Isniinta gaarey magaalada Muqdisho si uu uga qayb-qaato caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortey Maxamed Cabdullaahi.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in kulanku ahaa mid is xog-waraysi ah, waxaana goobjoog ka ahaa ku-xigeenka labaad ee afhayeenka Aqalka Sare Mowliid Guhaad.

Maalinta Arbacada ah ee beri ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha cusub agu caleemo saaro halkii lagu doortey ee xerada ciidanka cirka Afisiyoone.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *