Dhagax Dhigii Xarunta Safaarada Cusub ee Dalka Jabuuti – VIDEO

Published: February 22, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo kamid ahaa Madaxdii maanta Muqdisho u yimid Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisi doono Safaarada wadanka Jabuuti ku leeyahay caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil ayaa waxaa ku wehliyey dhagax dhigaasi Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladii hore ee Soomaaliya iyo Saraakiisha ciidamada.

Xaruntan cusub oo ay Safaarada Jabuuti ka dhiseyso Degmada Cabdicasiis goob u dhaw xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid balaaran oo lagu bedali doono halka ay hada ku shaqeyaan Diblumaasiyiinta Jabuuti ka jooga magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geele ayaa si weyn usoo dhaweeyey isbedalka ka jira dalka Soomaaliya isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu markale maalintan taariikhiga ah soo gaaro magaalada Muqdisho.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *