Hogaanka Rugta ganacsiga Puntland oo muddo kordhin loo sameeyey-Sawiro

Published: February 22, 2017

Kullankan oo ka qabsoomay xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland ayaa ahaa mid looga tashanayey Doorashada Hogaanka Rugta Ganacsiga Puntland oo dib u dhac ku yimi , sidoo kalana waxaa madasha lagu soo bandhigayey nidaam cusub oo wasaaradda Ganacsiga Puntland ganacsatada ku siinayso shatigga ganacsiga oo ay wasaaraddu bixiso .

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac ayaa ugu horeeyn faah-faahin ka bixiyey ujeedka kullanka ,isagoona ganacsatada uga mahadceliyey soo ajiibidda ka qeyb-galka kullankan ballaaaran.

Cabdirisaaq Siciid Nuur oo ah xisaabiyaha guud ee Puntland ayaa ganacsatada u sheegay in soo bandhigista habkan cusub ee shatigga ganacsi lagu bixinayo uu yahay mid looga baxayo iaalin la`aanti kajirtay shatiyada ay bixiso dawladdu.

Dood iyo Falanqeyn dheer oo la xiriirtay qaabka qabsoomidda doorashada hogaanka Rugta ganacsiga Puntland oo dib u dhac ku yimi kadib ayaa laysla qaatay in hogaanka jira hadda loo sameeyo wakhti kordhin , waxaana si guud aragtidooda u dhiibtay oo soo jeediyey talooyinkooda dhammaan ganacsatadii ka qeyb-galay kullanka.

Geba-gebahadii kullankan ayaa hab gacantaak ah xubnihii ganacstada ee madasha ku sugnaa ugu codeeyeen in la qabto doorashada iyo in wakhti kordhin loo sameeyo , waxaana codka la qaaday uu noqday in muddo laba sano ah xilka loogu daro hogaanka hadda jira sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle indha-guran.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *