Khudbadii Madaxweyne Farmaajo: Rajo-gelin iyo Yididiilooyin -VIDEO

Published: February 22, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta si rasmi ah loogu caleema saarey halkii lagu doortey laba todobaad ka hor. Waxaa ka soo qayb-galay caleema saarka hoggaamiyasha dalalka deriska iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa jeediyey khudbad uu ugu tala galay munaasabadda caleema saarka, isaga oo labada dhinac ka taagan yihiin labadii Madaxweyne ee ka horeeyey, waxaana uu kaga hadley shaqada hortaala culeyska ay leedahay, waxa isaga laga doonayo iyo waxa uu shacabka ka doonaayo. Khduabdda madaxweynaha ayaa loo qaybin karaa labo oo kala ah yareyn uu yareynaayey rajada weyn ee dadku sida deg-dega ah ku sugayaan, iyo waxa u qorsheysan in uu qabto ama meelaha uu awoodda saarayo.

Madaxweynaha oo dareensan rajada weyn ee laga sugaayo iyo hanka loo qabo marka la eego sida loo soo dhaweeyey ayaa shacabka u sheegay in Soomaaliya burbur ku jirtey 26 sano dhismaheedana aan lagu dhameyn karin afar sano laakiin haddii meelaha qaar wax laga qabto kuwa ka danbeeya ay dhamays-tiri karaan dhinacyada kale waxaana uu sheegay in meelaha wax ka qabashada u baahan ay tahay:

Amni xumo baahsan, abaaraha, dhameystirka dib u heshiisiinta, dib u soo celinta kalsoonida shacabka, yareynta fakhriga iyo saboolka, kobcinta dhaqaalaha, jiheynta awooda dhallinyarada, xoojinta federaalka, iyo xoojinta xiriirka arrimaha dibadda.

Qodobadan ayuu Madaxweynuhu mid walba goonidiisa u dul istaagey oo uu faah-faahin ka bixiyey.

Mar uu ka hadlay dhanka ciidammada ayuu sheegay Madaxweynaha in dowladiisa ay hubin doonto Mushaharaadka ciidamada inay si sax ah u heleen iyo in kale markasta, qalabeyntoodu in ay u dhantahay iyadoo sidoo kale uu madaxweynuhu u mahad celiyay dhamaan wadamada ay ka joogaan ciidamada AMISOM maadaama sida uu sheegay AMISOM Naf iyo maalba ay u hureen dalkeena.

Dhanka dib u heshiisiinta ayaa Madaxweynuhu tusaale u soo qaatey colaada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in dowladiisa ay ku dadaali doonto sidii loo dhamayn lahaa colaadaas oo aysan mar danbe u soo laaban.

“Dib u heshiisiinta waa geeddi socodka mar hore soo bilowday. waxaan dhameystiri doonnaa dib u heshiisiintaas. Waxaa ceeb nagu ah kala qobqobnaanta Soomaalida wada dhalatay”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

“Waa in la soo celiyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladda. Waa in dowladda ay noqotaa mid u adeegta oo aan ka adeegan shacabka. Mid u tureta shacabka, oo aan ku tuman.” Ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa balan qaaday Dowladda Soomaaliya inay xoojin doonto xiriirka ay la leedahay dunida inteeda kale maadaama aduunyada oo dhan ay haatan isku baahantahay.

Dhamka Musuq-maasqua ayuu sheegay in Soomaaliya caalamku ka qabo weji aad u xun oo ah dal Musuqa sanadkasta halka ugu xun ka gala, waxaana uu ballan qaadey in uu wax ka qaban doono Musuq maasuqa.

Maalinta berri ah ee Khamiista ayaa lagu wadaa in Madaxweynuhu u duulo dalka Sucuudiga, kulankiisa u horeeya ayuu la qaadan doonaa Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, ka hor inta aanu ku dhawaaqin Raysalwasaaraha hoggaamin doona Xukuumadda.



Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *