Denmark: Xisbi doonaya indadka ajaaniibta lagu khasbo in ay galaan Kaniisadaha

Published: February 23, 2017

Xisbiga Dansk Folkeparti ee midigta fog ayaa sheegay in qorshahooda ay kamid tahay in ajaanibta dalkaas ku nool ay ka qayb-qaataan munaasabadaha Kaniisaha ka dhacaya oo ay bartaan diinta Kirishtaanka si markaa loogu yeeri karo in ay yihiin muwaadiniin Danish ah.

– Waxaan aragnaa in ay waddo dheer qaadaneyso in aad u noolatid ama noqotid Danish, si taas loo helo waa in qofku ka qayb-qaataa asaasiyaadka Kirishtanka iyo macnaha dadka Denmark u dhashey. Sidoo kale qofku waa in u aqbalaa dhaqankayaga iyo sida dadka tirada badan u noolyihiin ayuu yiri afhayeen lagu magacaabo Martin Henriksenn oo u hadley Xisbiga Dansk Folkeparti mar uu waraysi siinaayey Joornaalka Jyllands-Posten.

Xisbiga Dansk Folkeparti ayaan kamid ahayn xukuumadda, laakiin waxa u taageera Xukuumadda si aysan u dhicin maadaama aysan aqlabiyad ku dhisneyn.

Joornaalka Kristeligt Dagblad ee ka hadla arrimha masiiaxiyadda ayaa sheegaya in taageerayaasha Xisbiga DFP ay yihin kuwo aad ugu yar kaniisadaha marka la eego kuwa Xisbiyada kale.

Dalka Denmark waa dal Dimoqraadi ah lagana tixgeliyo afkaarta iyo diimaha kala duwan. Muddooyinkii danbe xagjiriinta ayaa afkaarta xagjirka ah u istricmaalayey hub ay siyaasadda ku gaaraan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *