VIDEO: Madaxweyne Farmaajo ma ku deg-degay magacaabista Raysalwasaare Xasan Kheyre?

Published: February 23, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta (Khamiis) magacaabey Raysalwasaaraha xukuumadda oo ahayd shaqada ugu horeysa ee Madaxweynaha laga sugaayey.

Doorashadii Madaxweyne Farmaajo kadib ayaa si weyn loo arkaayey beelaha waaweyn ee u badan gobolka Banaadir oo shirar aan kala joogsi lahayn la yeelanaayey Madaxweynaha in uu siiyo raysalwasaaraha taas oo ahayd mid aan horey u dhici jirin. Sidoo kale waxaa meesha ka baxay doorkii Dowlad Goboleedyada oo qudhoodi u ol-oleyn jirey shakhsiyaad.

Magacaabidda Raysalwasaaraha ayaa ah shaqada u horeysa ee Madaxweynaha laga doonaayo, waxaana dastuurku siinayaa muddo 30 maalmood ah gudahood in uu ku magacaabo raysalwasaaraha. Magacaabidda raysalwasaaraha ayaa dad badan ka dheehdaan siyaasadda dalku ku shaqeyn doono.

Madaxweynaha ayaa laga doonayaa in uu Raysalwasaaraha ku xusho, Aqoon iyo Khibrad siyaasadeed, in uu lee yahay dad isku wadid oo aanu noqon karin qof koox gaar ah ku xiran, waxaa laga doonayaa in Madaxweynuhu ka dheeraado in uu ku saleeyo magaacidda, saaxiibtinimo ka dhexeysa, qaraabo iyo xidiid, shirkad wadaag, iyo qof aan karti u lahayn shaqada taas oo ka dhigeysa maqaar saar uu ku adeegto.

Raysal-wasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre

Xasan Cali Kheyre oo ah raysalwasaaraha magacaaban ee Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqey, ayaa lamid ah sida Rayslawasaarayaal horey dalka u soo marey oo magacooda la bartey markii xilka loo magacaabey. Mudane Kheyre ayaa ah magac si weyn loo yaqaaney, oo ay ku socdeen baritaano inkasta oo mid kamid ah baaritaanadaas laga tirtiray isla sanadki 2016 oo ahaa in uu ku xiran yahay kooxo Argagixiso ah, laakiin waxaa weli socda baaritaanada shirkadda SOMA OIL ee uu madax ka ahaa qaybta Bariga Afrika. shirkaddan ayaa kamid ah kuwa lugta kuleh biyaha Soomaaliya ee Kenya xadeysatey, taas oo hadda hortaala ICJ.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Farmaajo ayaa magacaabista Xasan Kheyre ku saleeyey saaxiibtinomo u dhexeysa, iyo in uu yahay shakhsi ay wada shaqeyn karaan sida Madaxweynuhu sheegay markii uu magacaabey. Marka laga yimaado dooda Madaxweynaha ee ah in uu yahay shakhsi ay wada shaqeyn karaan ayaa la is weydiinayaa sida uu hay’adaha kale ula shaqeyn karo oo labada Aqal ugu horeeyaan kuwaas oo laga sugaayo in la horgeeyo.

Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegayaa in uu dalka soo gaarey maalintii shalay ee caleema saarka Madaxweynaha isaga oo ka soo duuley Kenya, waxaana uu la socdey diyaaraddii sidey wefdigii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ma jirin diyaarad kale oo maalintii shalay ka soo duushey Kenya. Horseed Media si madax-banaan uma xaqiijin warka sheegaya diyaaradda uu la socdey, waxaase ay calaamad su’aal dul dhigi kartaa magacaabidda raysalwasaaruhu in ay ahayd mid horey u qorsheysan.

Dadka qaarkiis ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aanka uu qaatey Madaxweyne Farmaajo iyaga oo aan ka fiirin magaca la magacaabey ayey taageereen in Madaxweynuhu magacaabo shakhsi ku dhaw oo aan ka tirsaneyn beelaha sheegta in muruqoodu ka weyn yahay kuwa kale, waxay soo dhaweeyeen in aanu tixgelin beelihii habeen iyo maalin la shiraayey ee dalabanaayey in la siiyo Raaysalwasaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta safarkiisi u horeeyey ku aadey magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukaramah, kadib marrka uu ku cibaadeysto Xaramka ayuu kulan la qaadan doonaa Boqorka Sucuudi Caraabiya Boqor Salamaan Bin Cabdicasiis. Marka uu Madaxweynuhu dib ugu soo laabto dalka ayuu horgeyn doonaa raysalwasaarihiisa magacaaban baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida taas oo aan la ogeyn sida ay noqon doonto.

Ugu danbeyntii Saddexda xafiis ee dalka u sareeya ayaa waxaa kala haya saddex muwaadin oo iska leh dhalasho labaad, Maraykan iyo laba haysta dhalashada dalka Norway.

Hussein Farah
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *