Wasaaradda Kaluumeysiga oo kahadashey Maraakiibta kaluumeysiga ee xeebta hoganaysa

Published: February 23, 2017

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, Soomaaliya ayaa shir saxaafadeed kaga jawaabtay Maraakiib muddooyinkii danbe ku xirneyd meel ku dhaw dekadda Bosaso kuwaas oo ah nooca jariiflayaasha.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Cabdinuur Cilmi Nuur Biindhe ayaa warbaahinta u sheegay in maraakiibtaas tiradoodu dhantahay 7 lagana leeyahay dalka Jabuuti ayna yihiin maraakiib si sharci u kalluumeysanaya

…Maraakiibta waxaa iska leh oo ay ku gooshayaan calanka Jabuuti, iyaga ayaa iska leh, sidii la arki jiray waan ka faa`iidaysanaynaa oo si sharci ah ayaan uga faa`iidaysanaynaa, halkan ayaan keenay kama qarin dadka, waxaan uga faa`iidaysanaynaa si sharci ah“ ayuu yiri Biindhe.

Wuxuu intaas ku daray in ay markabkab kasta u direen koox qiimayn ku samaysa Shabaagaha ay wataan iyo kalluunka ay qaadan karaan, wuxuu xusay in dadkii qiimaynta sameeyay ay wasaaradda ku soo celiyeen markab kasta iyo hannaanka uu u kalluumaysan karo.

Biindhe ayaa sheegay in ay mareen qaabkii sharciga ahaa ee ay mari jirtay dawladii dhexe ee Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin in ay badda illaaliyaan, wuxuu sheegay in ay badda illaalinayaan ciidanka badda Puntland iyo marakiib kale oo ay heshiis la galeen.

Xildhibaan Liibaan Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah guddiga Khayraadka dabiiciga ah ee baarlamaanka Puntland ayaa sheegay dhankiisa in shaqada wasaaradda kalluumeysigu hayso ay ku qanacsan yihiin ka baarlaman ahaan, wuxuu sheegay in Baarlamaanka Puntland ay ansixiyeen xeerka kalluumeysiga.

´…Maraakiibta yimi Boosaso xeerkooda waa la keenay, waxaa ansixiyeen baarlamaanka Puntland, dabdeedna in laga faa`iidaysto waa wax meesha ku jira“.
Wuxuu intaas ku daray in maraakibtu ay yihiin kuwo maraya sharciga, isla markaana baaris lagu samayay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maxamuud Maxamed Cali Gabax iyo wasiir dawluhu wasaaraddaasi Dr Cabdiraxmaan Aw-jaamac Kulmiye ayaa dadweynaha ku dhaqan Puntland u sheegay in ay marayaan hannaan sharci ah, ayna diyaar u yihiin in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa maraakiibta, isla markaana ay ka go`an tahay in ay illaaliyaan jhayraadka dalka.

Qaar kamid ah Kaluumeystada Puntland ayaa cabasho ka muujiyey maraakiibtan mar ay la hadleen warbaahinta waxaana ay sheegeen in ay leedahay Maraakiibtan shirkad laga lee yahay dalka Shiinaha oo fadhigeedu yahay dalka Jabuuti waxaana kaluunka la isugu geyn dalka Jabuuti halkaas oo lagu dib loogu habaynaayo loona iibgeynaayo suuqyada caalamka.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *