Xasan Cali Kheyre oo loo magacaabey Raysal-wasaaraha Soomaaliya

Published: February 23, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa subaxnimada maanta ah ee Khamiista ku dhawaaqey qofka Raysalwasaaraha u noqonaya Xukuumada Federaalka.

Xasan Cali Kheyre ayuu u magacaabey Madaxweynuhu in uu noqdo Raysalwasaaraha Jamhuuriyadda, Goobta uu ku magacaabey waxaa ku sugnaa Afhayeenka Baarlamaanka Aqalka Hoose Jawaari iyo Raysalwasaaraha la magacaabey Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku doortey Xasan Cali Kheyre in uu yahay qof ay wada shaqeyn karaan, maadaama dalkaani xasilooni u baahan yahay, sidaas darteed uu yahay qof ka tarjumi kara himilooyinkiisa.

Mudane Kheyre waxa uu horey uga soo shaqeeyey hay’adda samafalkaee NRC ee laga lee yahay dalka NORWAY oo uu noqdey madaxa Bariga Afrika. Xasan waxa uu haystaa dhalashada dalka Norway.

Xasan Cali Kheyre ayaa kamid noqdey shirkadda SOMA OIL ee ka dhisneyd dalka Ingriiska, waxaana uu noqdey Madaxa Bariga Afrika. Shirkaddan ayuu kamid yahay saamileyda, sida lagu sheegay baaritaano lagu sameeyey shirkadda kadib markii ay soo baxeen fadeexado musuq-maasqu la xiriira.

Xasan Cali Kheyre horey ugama soo shaqeyn arrimaha siyaasadda, waxaase la shegaa in uu yahay shakhsi ku wanaagsan gor-gortanka iyo arrimaha ganacsiga iyo hay’adaha.

Guddiga dabagalka ee Qaramada Midoobey ayaa bishii Maarso 2016 ku eedeeyey Xasan Cali Kheyre in uu xiriir la lee yahay ururada argagixisada sida al-Shabaab iyo kuwo kale oo aan la sheegin. Bishii Luuliyo 2016 ayaa Qaramada Midoobey kiiskaan tirtiteen oo ka masaxeen Xasan Cali Kheyre.

Magacaadda Xasan Cali Kheyre ayaa noqotey mid dad badan aysan fileyn, marka la eego beelaha kale ee sida weyn isugu haystey markii hore, waxaana uu beel ahaanka soo jeedaa Hawiye/Murursade.

Faah-faahinta Xasan Cali Kheyre gadaal ayaa laga daabacayaa

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *