Madaxweynaha Jubaland oo talo u jeediyey Xildhibaanada Federaalka

Published: February 24, 2017

Madaxweynaha Dowald Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa kulan la qaatey Xildhibaanada labada qal ee ka soo jeeda deegaanada Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn ku bogaadiyay Xildhibaanada howlihii ay soo qabteen intii uu ololaha socday, isagoo ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ra`iisul Wsaaaraha cusub.

– Anigu cidna doorta idinma oran aniga oo qof u eexanaya idinkaa doortey Farmaajo waxaad ku khasban tihiin in aad la shaqeysaan, ka fekera danta Qaranka iyo waxa guud ahaan Somaaliya dan u ah, Jubaland anaga ayaa u xilsaaran ayuu ku yiri Xildhibaanada.

Mar uu ka hadlaayey Ra’sul Wasaaraha uu dhawaan magacaabey Madaxweynuhu ayuu yiri.

– Madaxweynuhu isaga ayaa garanaya waxa u fiican iyo waxa u xun waxaa lagu khasban yahay in lala shaqeeyo cidda uu la yimid oo isagu kalsooni ku qabo.

Axmed Madoobe ayaa ballan qaadey in ay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Kowaad ee uu magacaabey la shaqeyn doonaan haddii ay yihiin Jubaland, waxaana uu ka dalbadey Xildhibaanada in degdeg looga shaqeeyo sidii dalku uga bixi lahaa nidaamka 4.5,

Madaxweynaha Jubaland ayaan Muqdisho imaan ol-olihii doorashada Madaxweynaha si uu u ilaaliyo wejigiisa in aan lagu shaabadeyn cid gaar ah oo uu la jiro.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *