Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo lagu Soo Dhoweeyey Bosaaso-Sawiro.

Published: February 24, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta 24, Febuary 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntlabnd, ka dib markii aymagaalada Muqdisho kaga qayb galeen munaasabaddii caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehelinayay Guddoomiyahya Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha Dawladda iyo saraakiil ka mid ah Madaxtooyada Dawladda Puntland,waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Puntland.
Madaxweynaha oowarbaahinta la hadlay wuxuu ka waramay safarka uu kaga soo laabtay magaalada Muqdisho ” farxad ayayna noo tahay inaan qayb ka ahaano geeddi socodka Soomaaliya oo meel wanaagsan marayay, waxaan hambalyo mar kale u dirayaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magcaabay waxaana rajaynayaa in ilaahay u sahlo shaqadana u fududeeyo, waan ku faraxsanay sidoo kale in waddankii oo nabad ah aan kusoo laabano” ayuu yiriMadaxweyne Gaas.
Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *