Malaysia: Booliiska oo shaaciyey suntii lagu dilay Kim Jong Nam – VIDEO

Published: February 24, 2017

Booliiska dalka Malaysia ayaa shaaciyey nooca suntii loo adeegsaday dilka Kim Jong Nam oo ahaa nin ay walaalo yihiin Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong un.

Sunta wajiga looga shubay Kim Jong Nam ayaa ah nooca loo yaqaan VX oo ah sun halis ah oo disha Nerfaha, waana mid ka mamnuuc ah caalamka.

Kim Jong Nam ayaa markii hore loo maleenayey inuu u dhintay Wadnaha oo istaagay balse waxaa maalmihii lasoo dhaafay baaritaan lagu waday meydkiisa oo weli yaal dalka Malaysia.

Dowlada Malaysia ayaa sheegtay inay baareyso qaabka suntan VX lagu soo geliyey dalkeeda, waxayna hay`ada Interpol ka codsatay in ay kala shaqeyso sidii lagu soo qaban lahaa 4 qof oo u dhashay dalka Kuuriya Waqooyi oo weli la baadi goobayo.

Kuuriya Waqooyi ayaa codsatay in lagu soo wareejiyo meydka ninkan balse dowlada Malaysia ayaa siideynta Meydkaasi ku xirtay inay yimaadaan qoyska ninkaasi isla markaana keenaan cadeynta DNA.

Waxaa iyagu gacanta lagu hayaa labo haween ah oo iyagu ahaa kuwa sunta ku shubay Kim Jong Nam xili uu ku sugnaa Madaarka caasimada Malaysia ee Kuala Lumpur. Waxaa isagana la qabtay nin u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo la sheegay inuu goobta ku sugnaa xilka weerarka uu dhacay.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *