Philippines: Haweenay Senator mucaarid ah oo xabsiga loo taxaabay

Published: February 24, 2017

Senator Leila de Lima ayaa ah haweenay si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha dalka Filibiin Mr.Rodrigo Duterte ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyey in ay taageero siisay Ganacsatada Daroogada sida ay xukuumada ku dooday.

Senatoradan ayaa horey usoo noqotay Xoghayaha Cadaalada ee xukuumadii hore, waxayna ahayd codka ugu dheer ee mucaaridka ku ah Madaxweynaha cusub Duterte oo ay ku tilmaamtay “Nin Waalan oo Dilaa ah”. Xildhibaanada ayaa sheegtay in dacwadan ay tahay mid siyaasad la xariirta ayna horey usii ogeyd inay noqon doonto siyaasiga ugu horeeyo oo uu xiro hogaamiyaha cusub ee dalkaasi.

Ciidamada Amaanka ayaa xafiiskeeda ka kaxeeyey saaka oo Jimce ah, kadib markii maxkamada Khamiistii shalay la horgeeyey kiis dacwad oo ka timid Wasaarada Cadaalada oo sheegtay in haweenaydan xiriir la laheyd ganacsatada daroogada ee xabsiyada ku jira xiligii ay xilka Wasiirka heysay intii u dhaxeysay sanadihii 2010-2015.

Leila ayaa sheegtay inay iska difaaci doonto dacwada iyadoona intaasi raacisay in maxkamada ku khaldaneed inay amarto xarigeeda iyadoo aan weli dhageysan jawaabta Qareenadeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *