Dagaalka Qabyaalada iyo Qabyaalad-Diidka ee ka socda Social Media!

Published: February 24, 2017

Siyaasada Soomaaliya waa mid isbedal badan oo aan inta badan salka dhulka dhigin maadaama aysan jirin Xisbiyo lugu kala taageero aragtiyo ama fikir siyaasadeed ayaa waxaa kaalintaasi nus-qarnigii lasoo dhaafay buuxiyey Qabyaalada oo ah aalada Qawmiyada Soomaalida ka reebtay dunnida insteeda kale.

Tan iyo burburkii dowladihii Soomaaliya soo maray ee kala ahaa tii Shibilka ee Xoriyada horseeday iyo midii ku xukunka ka boobtay ee Militarigii Soomaaliya oo ay kusii xigtay Qaran-Jabkii 1991, waxay Soomaaliya soo martay isbedalo badan oo u badan kuwo fool xun oo isugu jira burbur guri walba taabtay iyo dagaalo dhiig badan ku daateen, dhiigaasi oo weli daadanaya.

Inkastoo ay isbedalayeen kooxaha ka qeyb qaadanayey burburkii dalka ka dhacay, ayaa waxa kaliya oo aan marnaba dhiman ay ahayd Qabyaalada oo ah aalada ama Shaydaanka siyaasiyiinta qalafsan u adeegsanayeen inay taageero ku helaan ama ay ku kiciyaan dagaalo lagu raadinayey dano gaar ah.

Waxaase hada muuqata inuu jiro isbedal cusub oo muujinaya in Soomaalida xoogaa kasoo bislaaneyso Qabyaalada oo ay wax ka barteen dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen.

Doorashadii sanadkan 2017 ayaa la oron karaa waxay ahayd mid keentay in Soomaali badan muujiyaan ama u kacaan inay la dagaalamaan fikirka Qabyaalada ee loo adeegsado kala fogeynta Qoysaska Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Balse waxaa iyaguna weli jira kooxo la oron karo waa haraadigii dagaaladii sokeeye oo u badan dadkii kasoo qeyb qaatay burburkii Soomaaliya oo iyagu ay ku adagtahay inay meel iska dhigaan Qabyaalada.

Labadan kooxood ayaa hada muuqata inuu dagaal cusub uga curtay aaladaha cusub ee loo yaqaan Social Media ama baraha Internetka oo ay bulshada ku sheekaysato.

Doodan ayaa ah mid dad badan ka cabsi qabeen inay sumeyso dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta ummada Soomaaliya, waxaase hada muuqata mid looga itaal roonaaday Kooxihii Qabyaalada u doodi jiray oo ay ka tan badiyeen Soomaalida ku dhawaaqaya #NomoreQabiil.

Biseelkan cusub ee laga dareemayo internetka iyo doodaha ka socda ayaa u baahan inay sii xoojiso Dowladan cusub ee Soomaaliya oo kusoo beegantay xili shacabka uu ka daalay burburka dalkooda ka jira halka caalamka uu horumarka ku tilaabsaday.

Aaminaadaasi jiilasha cusub ee Qabyaalad-diidka ah waa mid looga baahan yahay Madaxda cusub ee Soomaaliya inaysan dhumin balse sii dhiirgeliyaan oo ay hirgeliyaan dib u heshiisiin rasmi ah iyo waxqabad la taaban karo taasi oo si rasmi ah u suulin-karta Qabyaalada heerka xun gaartay oo ay hada kahor marar badan Soomaalidu isku dayday inay Aasto!

Dowladu waa inay sidoo kale xooga saartaa sidii dalka looga hirgelin lahaa Xisbiyo Siyaasadeed si ummada ay u hesho ururo siyaasadeed oo ay ku kala taageeraan aragtiyadooda cida dalka hogaamineysa.

Saxaafada Soomaalida ayaa iyaduna kaalin muhiim ah uga banaantay inay ka fogaadaan baahinta codka kooxda laga itaal roonaaday ee Qabyaalada u dooda.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *