Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Oo Is Casilay iyo Mid kale oo La Magacaabay

Published: February 25, 2017
Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada C/naasir Biixi

Deeq Saleebaan Yuusuf oo muddo saddex Sanno ahaa Agaasimihii Guud ee Madaxtooyadda Puntland ayaa maanta shaaciyay inuu iscasilay, iyadoo isla maantana Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Waxaa lagumagacaabaay agaasime Cusub.

Agaasimaha Cusub ee madaxtooyada ayaa loo magacaabay Cabdinaasir Biixi Soofe oo horey u soo noqday agaasimaha ciidanka badda Puntland, isagoo bedelay Agaasimihii hore oo aan faahfaahin ka bixin sababta uu isku casilay, hase yeeshee sida ka muuqata wareegtada lagu magacaabay agaasimaha cusuboo ku taariikhsnayd jimcihii shalay ee 24 February 2017 ayaa xilka laga qaaday ka hor iscasiladiisa.

Wareegtada ayaa u qornayd sidan.

Madaxweynaha Puntland ayaa xafiiskiisa ka soo saaray degreeto xeer Madaxweyne oo nambarkeedu yahay Lr.18 ee February 24 2017 kuna saabsan magacabis Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey muhiimada ay leedahay magcaabistiisa Agaasimaha guud ee madaxtooyada.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magcaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada.

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxeiixay madaxweynuhu maanta oo ay taariikhdu tahay 24 February 2017.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *