Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho Ku Soo Laabtay

Published: February 25, 2017

Madaxweynaha dowladda FederaalkaMaxamed Cabdulaahi Maxamed oo maalimihii lasoo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogaydalka Sucuudi Carabiya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda muqdisho, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay .

Madaxweynaha iyo waftiga la socday oo galabta ka soo degayGaroonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee muqdishowaxaa dhaweeyay xubno ka tirsangollayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo sucuudiga ku tegay booqasho saddex maalmood ah, ayaa wuxuu la kulmay boqorka Dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxayna ka wadahadleen iskhaashiga labada wadan, iyadoo uu ballanqaaday inuu sucuudigu ay garab istaagi doonaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo, oo sidoo kale kulamo la yeeshay madax sare oo ka tiran dalkaasi, wuxuu sidoo kale booqday Majidka Nabiga (NNKH) ee Madiina iyo magaaladda Maka, halkaasi oo uu ku soo cumaraystay.

Gabagabadii, Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo 8dii bishan loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, ayaa safarkiisii u horreeyay wuxuu ku tegay Dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay markii u horraysay muddo dheer.

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *