Syria: In kabadan 40 qof oo lagu diley qarax ismiidaamin ah

Published: February 25, 2017

Ugu yaraan 42 qof ayaa ku geeriyoodey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dhisme ay iska lahayd Dowladda Siiriya magaalada Xumus. Sida laga soo xiganayo hay’adaha xuquuqda aadana ee la socda arrimaha Siiriya.

Dhismaha weerarka lagu qaadey ayaa ka tirsanaa hay’adda sirdoonka iyo ciidanka mileteriga qarsoon.

Ma cadda ilaa hadda kooxda ka danbeysa weerarkan, waxaa si weyn loo tuhunsan yahay in ay ka danbeeyaan ururka Daacish ee xaruntiisu tahay magaalada Raqaa.

Xumus ayaa ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Siiriya, waxaana gacanta ku haya xukuumadda bashar al-Asad.

In ka badan 310 000 oo qof ayaa lagu diley dagaalada Siiriya tan iyo sanadki 2011.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *