Boosaaso: Dabley weerartey goob Boolisku ilaalo ka hayeen iyo khasaare ka dhacdey

Published: February 26, 2017

SAWIR HORE / Photo HMFiidnimadii caawa oo Axad ah ayaa dabley hubeysan weerar ku qaadeen jidgooyo ay dhigteen ciidanka Boolisku taas oo la dhigeyafka hore ee laga gelo waddada hormarta shirkaddii hore ee Netco, marka laga yimaado dhanka galbeed,

Warar Horseed soo gaarey ayaa sheegaya in weerarka lagu bilaabey bomka gacanta laga tuuro kadibna waxaa magaalada laga maqley rasaas dhacaysey muddo 15 daqiiqo ka badan, wararkuna waxay sheegayaan in rasaasta badan ay ciidanku rideen.

Afar askeri ayaa ku dhaawacmey qaraxa bomka, waxaana la geeyey isbitaalka guud ee Bosaso. maamulka Isbitaalka ayaa Horseed u sheegey in dhaaawaca askartu uu yahay mid fudud.

Weerarkan ayaa yimid iyada oo 24 saac ee u danbeeyey rabshado ay dhalinyaro caraysan dhigayeen ay magaalada ka dhacdey, rabshadahaas ayaa ka dhacay waddada weerarku ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatey weerarkan in ay ka danbeysey masuuliyadiisa.

Magaalada Bosaso waxaa ku sugan Madaxweynaha Puntland ku xigeenkiisi, Afhayeenkii Baarlamaanka, Wasiiradii ugu badnaa iyo weliba Xildhibaano aad u badan.

Hay’adaha amaanka ee Puntland ayaan weli ka hadlin waxa Bosaso ka dhacay 24 saac ee u danbeysey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *