Geneva: Weerarkii Homs oo caqabad ku keenay wadahadalkii dhinacyada Siiriya – VIDEO

Published: February 26, 2017

Wadahadalkii ka socday magaalada Geneva uga socday Dowlada iyo mucaaridka Siiriya ayaa waji kale galay kadib weerarkii shalay lagu qaaday magaalada Homs oo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof.

Weerarkaasi oo aan weli cidna sheegan ayaa ahaa mid ismiidaamin ah oo lala beegsaday labo xarumood oo ay leeyihiin ciidamada militariga Bashar Al Assad, waxaana lagu dilay mid kamid ah saraakiisha sare ee Sirdoonka militariga Siiriya.

Dowlada ayaa ku eedaysay kooxaha mucaaridka inay weerarkan soo qorsheeyeen xili wadahadal loo fadhiyey iyagoona ku tilmaamay in weerarkan uusan kaliya ahayn weerar argagaxiso militari balse uu yahay sidoo kale mid siyaasadeed, sidaa waxaa sheegay Safiirka Siiriya u fadhiya Qaramada Midoobay oo hogaaminaya wafdiga dowlada.

Xoogaga mucaaridka ee shirkada Geneva ku sugan ayaa iska fogeeyey eedeynta iyagoo dhinacoodana sheegay inay macquul tahay in weerarkan ay Dowlad lafteeda soo diyaarisay. Waxaase loo badinayaa inay weerarkan ka danbeyso kooxda la baxday Axraarul Shaam oo ay ku jirto kooxdii horey loo oron jiray Al Nusra kuwaasi oo si weyn ugu riyaaqay weerarkii Homs, walow aysan iyagu si toos ah u sheegan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *