Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo is casilay

Published: February 26, 2017

Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkii dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyanaha ayaa ku sheegay is casilaadiisa sababo la xiriira xaalad caafimaad.

Sanadkii hore waxaa Cabdikariin Xuseen Guuleed qaliin loogu sameeyey wadnaha, iyadoo tan iyo markaasi la sheegay in uu ahaa bukaan socod.

Dhawaan ayey ahayd markii xubno ka tirsan baarlamaanka Galmudug ay kulan ku yeesheen magaalada Cadaado ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *