Madaxweyne Farmaajo oo booqday Xabsiga dhexe iyo Xarunta Ciidanka Asluubta – VIDEO

Published: February 26, 2017

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta kormeer ku tagay xabsiga dhexe iyo Xarunta ciidamada Asluubta ayaa khudbad usoo jeediyey saraakiil badan oo ka tirsan ciidamadaasi oo uu balan qaad u sameeyey.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah xarumaha dowlada ee uu kormeerka ku sameenayo, wuxuuna sidoo kale soo arkay xaalada ka jirta xabsiga dhexe oo hada loo dhisayo xarun cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saraakiisha ciidamada Asluubta kala hadlay hawsha muhiimka ah oo ay hayaan iyo sida looga baahan yahay daryeelka Maxaabiista xabsiyada ku jira iyo dhalinyarada.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Madaxweynaha booqdo xarumaha kale ee dowlada ee ku yaal magaalada Muqdisho, si uu fikir guud uga qaato xaaladooda iyo baahida ay qabaan shaqaalaha dowlada oo aan in muddo ah wax mushahar ah qaadan.

Xukuumada cusub ee lasoo dhisi doono ayuu horey Madaxweynaha u sheegay inay ahmiyad gaar ah siin doonto sidii ay xaquuqdooda u heli lahaayeen hawlwadeenada hay’adaha dowlada.

Qorshaha dowlada cusub ayaa ah in la kordhiyo miisaaniyada dowlada si loo helo dakhli ku filan hawlaha Qaran, walow aan la aqoon in ay heli doonaan dhaqaale ku filan baahida jirta, gaar ahaan dhinaca hay’adaha kala gedisan ee dowlada oo hada ku kooban magaalada caasimada ah.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *