Madaxweyne Farmaajo oo Kordhinaya Odoroska Miisaaniyadda Dowladda Federaalka.

Published: February 26, 2017
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi iyo Boqor Salman Bin Cabdicasiis

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa ku dhawaaqay in la kordhinayo miisaaniyadda ay ku shaqaynayso dowladda Federaalka ee Sanadka 2017 ilaa 2018ka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in lacagta lagu kordhinayo odoroska miisaaniyada ay ka imaan doonto ballanqaadyo kale duwan oo ay heleen muddadii koobnayd ee uu xafiiska joogay

“miisaaniyadu waa ka badnaan doontaa miisaaniyadii hore ballanqaadyada aanu haysano darteed si aan mushaharooyinka aan si joogto ah u bixino, si aan daryeelka ciidamada iyo xildhibaanada sharafta leh kor ugu qaadno si ay dowladu u noqoto mid shaqaynaysa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxwnaha Soomaaliya oo shalay shirka jaraa’i dku qabtay Muqdisho ka dib booqasho uu ku tegay Sucuudiga , Wuxuu sheegay in Dowladda boqortooyadda Sucuudiga ayaa dowladda Soomaaliya u ballanqaaday mashaariic horumarineed iyo ballanqaadyo kala duwan oo ay ka mid tahay Kabidda miisaaniyadda Soomaaliya,Dhismaha xarumaha dowladda ee Muqdisho,Dhismaha garoon cusub iyo dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka isku xiran Caasimadda iyo goboladda Dalka.

” Waxaanu kala hadalnay arrimaha abaaraha iyo gurmad deg deg ah oo aanu u baahan nahay, waxaanu kala hadalnay cunqabataynta saaran xoolaha Soomaalida, waxaanu u sheegay in aanu u baahanahay in gacan lanaga siiyo dib-u-dhiska dalka, waxaanu waydiisanay Kabid miisaanyeed, waxayn ballanqaadeen in dhismayaasha dumay la dhisi doono, weyna naga ballanqaadeen inay gacan naga siinayaan dhammaan wixii aanu waydiisanay” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Dhinac kale, Madaxweynuhu wuxuu markii u horraysay faahfaahin ka bixiyay sababaha uusan ugu sharxin dadweynaha waxa uu ku doortay in Ra’isul Wasaaraha dalka ka dhigo Xasan Cali Khayre, waxaa uu sheegay inuu ku doortay inuu yahay qof ay wadashaqayn karaan, dalkana ka saari kara dhibaatooyinka ay sababeen abaaraha iyo roob la’aanta.

” Xasan waanin maamul yaqaan ah, oo khibrad dheer u leh maamulka, khaas ahaan arrimaha Bani’aadanimada oo muddo dheer uu ka soo shaqeeyay hay’ada qaxootiga iyo abaaraha ka shaqaysa, waqtiga hadda la joogana waxaa inoogu soo wajahan abaaro, markaa waxaan is iri khibrada uu leeyahay maamulka iyo ka soo shaqaynta arrimah bani’aadamka inuu yahay nin ku haboon waqtigan shaqadaas, waxaanan aaminsanahay inaan wadashaqayn karno” ayuu yiri

Gabagabadii, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ugu baaqay ummada Soomaaliyeed inay hiil iyo hooba la garab istaagaan xukuumadda Cusub ee uu soo magacaabay si ay u shaqeeyaan, una gutaan waajibaadkooda shaqo.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *