Booliska Puntland oo ka hadlay xaladda magaalada Bosaso-Dhegayso

Published: February 27, 2017

Taliska booliska Puntland iyo kan qeybta gobolka Bari oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Bosaso ayey kaga hadleen xaaladda guud ee magaalo ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Taliyaha booliska Puntland Jen. Cabdqaadir Shire Faarax Erag ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya in ay ammaanka wax yeeleeyaan, kuwaas oo uusan garanayn cida ay u shaqeeyaan.

…Carruur iyo dumar ayaa meel yar oo ka mid ah meelaha ay dadku isugu yimaadaan isugu yimid, waxbay tuur-tureen, kadibna ciidanka ayaa yimid oo waa la joojiyey, waxaana suuqa la geliyey in magaalada Bosaso ay gubaynayso ayuu yiri taliyaha booliska Puntland Jen. Cabdqaadir Shire Faarax Erag.

Jen. Cabdqaadir Shire Faarax Erag ayaa intaasi ku daray in magaalada Bosaso ay tahay magaalo nabad ah, waxaana rabnaa in aan uga digno shacabka Puntland dacaayada raqiiska ah ee jeu edada laga leeyahay in aan dhegahooda loogu shubin.

Mar uu soo hadal qaaday taliyaha booliska Puntland xakunkii lagu riday 7-da dhalinyaro ee ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Shabaab ayaa sheegay in xakunkaasi uu ku qanacsan yahay.

…Qofka markii uu fadhiyo miiska cadalaadda waxa uu xaq u leeyahay in uu dooddo, maxkamaddaasi dhammaan cadeemahooda waa la hayaa, dad aniga aan garanay cida ay u sheeqaan ayaa waxa ay sameenayaan shacab kicin, maxay ka faa’idayaan hadii ay gurigooda dab qabadsiiyaan ayuu yiri Jen. Cabdqaadir Shire Faarax Erag.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Brai Cabdixakiin Yuusuf Axmad oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay ka digayaa khal-khal galinta ammaanka magaalada Bosaso.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *