Germany: Weerarada lala beegsanayo Qaxootiga oo sare u kacay

Published: February 27, 2017

Dowlada Germany ayaa shaacisay tirakoobka lagu sameeyey weerarada maalin walba lala beegsado dadka qaxootiga ah ee wadankaasi ku sugan.

Xogtan ay shaacisay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dalka Germany ayaa lagu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, weerarada lala beegsaday Qaxootiga ay isugeyn gaarayaan 3.533 weerar.

Waxaana la sheegay in maalintiiba in ku dhaw 10 weerar lala beegsado qaxootiga ku sugan Germany.

Weerarada lala beegsaday shaqsiyaadka qaxootiga ah ayaa gaaraya 2.545 weerar, halka 988 goor la weeraray xarumaha ay ku jiraan dadka qaxootiga.

Dalka Germany ayaa sanadadii lasoo dhaafay qaabilay inta badan qaxootiga soo galay qaarada Yurub, waxaase jira cadaawad ay qaarkamid ah shacabka dalkaasi u qaadeen qaxootiga tiradda badan ee dalkooda soogalay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *