Madaxweynaha Soomaaliya oo aan soo dhaweyn Saldhigga Berbera ee Imaaraadka

Published: February 27, 2017

Madaxweynaha Jamhuuryadda Federaaliga ah Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa warar ku dhaw xiifskiisa sheegayaan in uu Boqortooyada Sucuudga kala hadley Saldhiiga Milteri ee Imaraadka Carabtu doonaayo in ay ku yeeshaan garoonka diyaaradaha ee Berbera ee Somaliland.

Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatey dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga ahna Wasiirka Gaashaandhigga Amiir Maxamed bin Salamaan bin Ccabdicasiis mar uu booqasho ku joogey todobaadkii hore Boqortooyada ayaa ka dalbadey in ay kala shaqeeyaan sidii Imaaraadka looga dhaadhicin lahaa in ay hakiyaan saldhiggaas.

Madaxeeynaha ayaa sheegay in Imaaraadka ay yihin dal saaxiibo dhaw ah laakiin arrimahaas ay ka horeyso wax badan oo gudaha Soomaaliya laga qabto oo ay ugu horeyso dhamaystirka wadahadalada u socdey Dowlasdda Dhexe ee dalka iyo maamulka Somaliland.

Waxaa la aaminsan yahay in heshiiska Saldhigga Berbera Dowladdii hore ee uu Madaxweynaha ka aha Xasan Sheekh Maxamuud iyo rayslawasaarihiisi in saxiix ku lahaayeen, maadaama Somaliland aysan ahayn Dowlad la ictiraafsan yahay.

Saldhigga Berbera ayaa sidoo kale muran xooggan ka kiciyey gudaha Somaliland waxaana Xildhibaanada a horgeeyey qoraal Soomaali ah oo u dhigan sida war-muriyeed lamana horgeyn heshiiska oo dhamaytiran ama saxiixan, waxaana lagu ansixiyey fadhi muran iyo buuq ku dhamaadey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *