Muqdisho: Askar ku dhaawacantay gaari ku qarxay Ex-Kontrol

Published: February 27, 2017

Gelinkii danbe ee Isniinta waxaa qarax ka dhacay wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan isgoyska Ex-kontrol.

Gaariga ayaa tan iyo subaxnimadii hore ciidamadu ammaanku ay ku eryoonayeen gudaha Muqdisho. Gaariaga ayaa la sheegayaa in ay saarnaayeen laba nin oo ku hubeysnaa qoryaha afka looga xiro qalabka dhawaaqa rasaasta celiyo. Degmada Boondheere ayey ku dhaawaceen saddex ka tirsanaa Booliska.

Baarbuurka ayaa isku dayey in uu ku baxsado waddo bacaad ah oo dhanka Ex-kotrol ah, kadib waa socon waayey, dhanka Dayniile, waxaana gaariga la sheegay in ay ka degeen laba nin oo aan hubeysneyn kuwaas oo cagahooda ku baxsadey.

Gaariga oo ay soo gaareen ciidamadu ayaa waxaa ka dhashey qarax aan xoog badneyn kaas oo dhaawacay laba askeri oo kale, waxaana tirada guud ee dhaawucu ay tahay 5 askeri.

Booliska ayaa soo bandhigey aba qori oo afka ay uga xiran yihiin qalabka celiya shanqarta.

Ma jirto wax dhimasho ah oo dhacdey, lamana soo sheegin ilaa hadda cid ka mid ah kuwii dhaawacmey oo u geeriyootey dhaawacii soo gaarey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *