Muqdisho: Qaybo kamid ah Suuqa Bakaaraha oo dab xooggan qabsadey – VIDEO

Published: February 27, 2017

Subaxnimadii hore ee maanta oo isniin ah ayaa dab xooggan ka kacay qaybo kamid ah suuqa weyn ee bakaaraha magaalada Muqdisho.

Dabka oo aan la garaneyn sababta uu ka dhashey weli ayaa saameyn xooggan ku yeeshey dhismaha Khaliifa oo ay ku yaalaan meharado kala duwan, waxaana uu baabiyey makiinadaha shiida saliida, qaybta maacuunta, qaybta hargaha iyo saamaha iyo weliba qaybo kale.

Dabka ayaa dhulka la simey mehardo yaryar oo ku yaaley suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka guriga Sheekh Cali Dheere.

Gawaarida dabdemiska ayaa muddo saacado ah la tacaalaya deminta dabka waana xakameyn waayeen, joga dheer ee dabku ku socdo darteed, waxaana ka qayb-qaadanayey dabdemiska sida gaarka ah loo lee yahay.

Qaybo kamid ah dabka ayaa la xakameeyey kadib muddo saddex saac ah marka la eego xliga uu bilowdey oo ahayd ka hor 06:00 subaxnimo.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *