Sweden: 20 qof oo ku dhaawacmay Dab qabsaday Xero Qaxooti

Published: February 27, 2017

Ugu yaraan 20 qof oo Qaxooti ah ayaa ku dhaawacmay xero ku taal magaalada Vanersborg oo ku taal koonfur galbeed dalka Sweden.

Dabkan ayaa la sheegay inuu xarunta qabsaday habeenkii Axada, waxaana dadka dhaawaca soo gaaray ay qaar kamid ah kasoo boodeen daarta.

Booliiska ayaa baaritaan ku wada dabkan oo laga shaki qabo in si bareer ah loogu shiday xaruntaasi lagu hayo dadka qaxootiga ah.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa sare usii kacayey tirada weerarada lala beegsanayo dadka qaxootiga ah iyo kuwa kale ee soogalootiga ah ku sugan wadanka Sweden oo kamid ah dalalka qaabilay kumaan kun oo qaxooti ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *