Deg-Deg: Raysalwasaare Kheyre oo helay codka kalsoonida Baarlamaanka -SAWIRO

Published: March 1, 2017

Raysalwasaaraha Jamhuuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hortegey Baarlamaanka si ay u siyaan codka kalsoonida. Kalfadhigga kowaad ee Baarlamaanka waxaa furey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo khudbad ka jeediyey xildhibaanadana ka codsadey in ay Raysawasaaraha siiyaan codka kalsoonida si loo dhaariyo xukuumaddana u soo dhiso.

Kalfadhiga maanta ee Baarlamaanka waxaa soo xaadirey 231 Xildhibaan,

Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka ayaa codka kalsoonida u qaadey Raysalwasaare Kheyre waxaana codka siiyey 231 Xildhibaan oo ahayd dhamaan tirada xildhibaanada ee fadhidey fadhigii maanta.

Raysalwasaaraha ayaa isla goobta xilka loogu dhaariyey waxa uu Xildhibaanada ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay codka kalsoonida u siiyeen. raysalwasaaraha ayaa ballan qaadey in shaqada ugu horeysa ee uu qabanayo ay tahay in uu soo dhiso xukuumad ka jawaabi karta baahida shacabka, sidoo kale waxa uu sheegay in uu awoodda saari doona wax ka qabashada saameynta abaaraha iyo duruufaha taagan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *