65 qof oo cudurka shuban biyoodka ugu dhintay gobolka Baay

Published: March 4, 2017

Gobolka Baay wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in cudurka shuban biyoodka uu halkaasi ka dilaacay, isla markaana uu soo ritay dad farabadan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in cudurkaasi sidoo kale ay u dhinteen dad fara badan, kuwaasi oo ku noolaa deegaano hoos yimaada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Gudoomiye dhanka arrimaha bulshada degaanka Owdiinle ee gobolka Baay Cabdullaahi Cumar Maxamad ayaa sheegay in dad badan ay la ildaran yihiin cudurka ,isla markaana hadda ay u dhinteen 69 qof.

Cabdullaahi Cumar Maxamad ayaa dowladda Soomaaliya , maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale hay`addaha gar-gaarka ugu baaqay in ay gar-gaar deg deg ah la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan degaanka gobolka Baay.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *