Baarlamaanka Israil oo wareegii 1aad ansixiyey Mamnuucida Addaanka!

Published: March 9, 2017

Baarlamaanka Israel ee loo yaqaan Kenneset ayaa wareegii 1aad ansixiyey labo mooshin oo ay soo diyaariyeen xisbiyada Yuhuuda ah oo doonaya in dhulka Israel ka taliso laga mamnuuco Addaanka Masaajidada.

Labadan sharci ayaa mid qorayaa in gebi ahaan Addaanka laga mamnuuco dhulka Israel heysato, halka midka labaad oo u yara ka gedisan yahay kaasi oo sheegaya in la mamnuuco Addaanka Salaada Subax, waxaana labadan sharci kala keenay labo xisbi oo Yuhuud xagjirka ah.

Wareega kowaad ee cod u qaadista sharciyadan cusub ayaa keenay buuq ka dhex dhashay Baarlamaanka Israel kadib markii Xildhibaanada Carabta ah sharciyadan ku tilmaaneen kuwo cunsurinimo ah oo lagula dagaalamo diinta Islaamka, waxaana buuqan keenay in Baarlamaanka banaanka looga saaro qaar kamid ah xildhibaanada sharciyadan kasoo horjeeday.

Waxaa sharciyadan sidoo kale kasoo horjeeda xisbiyada Mucaaridka ah ee Israel oo tilaabadan ku tilmaamay mid keeni karta cadaawad iyo xiisado horleh.

Cod u qaadista labada sharci ayaa u kala dhacay 55-48 iyo 55-47 oo lagu ansixiyey wareega kowaad labadan sharci ee is feersocda, waxaana u haray akhris sadex goor ah oo baarlamaanka la mariyo kahor inta aan sharcigan la dhaqan gelin.

Sharciyadan ayaa hadii la dhaqan geliyo lagu qeexay in Ganaax gaaraya 2.000 dollar lagu rido Masaajidkii Samaacadaha ama codbaahiyaha u isticmaala Addaanka xiliga Salaada.

Yuhuuda sharcigan u ololeenaysa ayaa sheegay inay doonayaan inay nastaan oo ay seexdaan isla markaana Addaanka uu dhegahooda dhibayo xiliyada hore ee subaxii, halka kuwo kale ay sheegeen inay gebi ahaanba tahay in la mama nuuco Addaanka Masaajidada.

Sharcigan ayaa la sheegay inuu qaban doono dhamaan Masaajidada ku yaal dhulka ay ka arrimiso Israel oo ay ku jirto magaalada Qudus, marka laga reebo Masaajidka Barakeysan ee Al Aqsa oo isagu aan weli hoos imaan taliska Israel.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *