Maraykanka oo Boqolaal ciidamo ah u diray dalka Siiriya

Published: March 9, 2017

Cutubyo ka tirsan ciidamada Marineska ee dalka Maraykanka ayaa gaaray dalka Siiriya si ay gacan u siiyaan xoogaga la dagaalamaya kooxda Daacish.

Ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay boqolaal ayaa lagu wadaa inay ka qeyb qaataan hawlgalka la doonayo in kooxda Daacish looga saaro xaruntooda magaalada Raqqa ee waqooyiga Siiriya.

Dowlada Maraykanka ayaan weli faah faahin ka bixin ciidamadan oo la sheegay inay ku hubeysan yihiin hub culus oo ay ku jiraan madaafiicda Howitzers.

Magaalada Raqqa ee xarunta Daacishta Siiriya ayaa hada gebi ahaan go’adoon ku jirta kadib markii wadooyinka taga degmadaasi ay xireen xoogaga Maraykanka gacanta siiyo ee loo yaqaan SDF, ciidamadaasi oo u badan kurdi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *